Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi Guri ugu jira dowladda Federaalka, horena u ahaa hogaamiye ka tirsan Alshabaab iyo kooxdii Xisbul Islaam ayaa farriin naadir ah oo aan hore loo arag u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Farriinta Xasan Daahir Aweys oo aan taariikh lahayn, laakiin u muuqata in la duubay kadib doorashadii Farmaajo ayuu kaga hadlay taageerada la siiyay Farmaajo iyo caddowga gudaha iyo dibadda ee uu leeyahay, wuxuuna kula taliyay inuusan lumin fursadda uu heyso.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa dhaliilay qaabka loola macaamilo Xarakada Al-shabaab iyo sida dunida u go’doomisay, isagoo u muuqday nin weli taageero u haya kooxdaasi oo ka mida ugu horeeya dadka badan ku laaya dunida.
Sheekha ayaa dhowaanahan bilaabay inuu baraha bulshada si toos ah uga hadlo soona diro farriimo iyadoo xilligii dowladii hore laga hor istaagnaa arrimahan oo kale oo ay dhacday in mar qura oo kaliya uu la hadlay saxafiyad ka socotay dalka Canada.