Tuesday, May 13, 2025

Sheekh Xasan Daahir oo noqday mashruuc ay dhaqaale ku heleyso dowladda Federaalka (WARBIXIN XASAASI AH)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay inay soo gabagabeyso kiiska Wadaadka caanka ah ee Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhow 2 sano ahaa mid loo caal waayay oo qaab sharci ah loo mari waayay arrimo qabiil iyo faragelin dibadeed darteed.

Arrinta Sheekh Xasan Daahir waxay ka soo bilaabatay markii uu ka soo baxsaday Alshabaab June 2013 xilli ay xarakada dhexdeeda ka bilowdeen is ugaarsi iyo is khaarijin dhexdeeda ah, kadibna uu isu dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Gobollada Dhexe, kaasoo wadahadal dheer oo ay garwadeen ka ahaayeen odyaaasha beesha kadib lagu keenay Muqdisho heshiis ku fashilmay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Aweys

Ad

Sheekha oo markaas kadib ay la wareegtay Hay’adda Nabadsugidda ayaa gacanta ugu jira isagoo ku jira xabsi guri si weyn loo ilaaliyo, mana suuragelin in maxkamad la soo taago oo sharciga lagu dhameeyo arrintiisa arrimo la wada garanayo dartood, waxaase ilaa markaas socday dadaallo ay ku lug leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qatar oo ahaa nin arrintiisa Mareykanka lagala hadlo oo dalalkaasi magengalyo siyaasadeed laga siiyo.

Qorshahaasi waxaa caga jiiday Mareykanka oo Sheekh Xasan Daahir ugu jiro liiska dadka argagixisada ee loo doonayo denbiyo ay galeen, madaxoodana la saaray lacago malaayiin doolar ah. Loolankii loogu jiray arrinta Sheekh Xasan Daahir ayaa hadda u muuqata inay soo gabagabowday kadib markii dalka Qatar ku guuleystay inuu Mareykanka ka dhaadhiciyo qorshihiisa Sheekhan Soomaaliga ah oo laftiisa doortay dalka Qatar.

Qatar waxay hore dalaal uga noqotay heshiis aan noociisa hore loo arag oo Mareykanka iyo ururka Daalibaan kula kala wareegeen maxaabiis, waana dal yar awood dhaqaale ku saameeya siyaasadda dibadda. Waxaa la xusuustaa inay  Qatar si weyn u taageeri jirtay  ururkii Xisbul islaam ee uu hogaamin jiray Sheekh Xasan Daahir, isla markaana ay ahayd dalka kaliya ee dhaqaale ku bixiyay Maxkamadihii islaamiga ee Soomaaliya ka kacay 2006, marka lagu daro Eteriya.

- Advertisement -

[ad name=”HTML-2″]

Qorshaha cusub ee Xasan Daahir loogu wareejinayo Dalka Qatar wuxuu hadda noqday mashruuc ama badeeco u iibsantay dowladda Soomaaliya, waxaana taasi fasiraya sida dowlada Qatar ugu soo dhex dhacday arrintan iyadoo bishan oo dhan ay waday in arrintan la dhammeeyo. Wufuud hoose oo isaga kala gooshtay Doha iyo Muqdisho iyo dadaalka weyn ee safiirka Qatar waxay keeneen in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid hadda booqasho ku joogo magaalada Doha, iyadoo socdaalkiisu muhiimadda ugu weyni tahay arrinta Xasan Sheekh.

Dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ka heleyso dalka yar ee dhaqaalaha badan ma cadda, waxaase la filayaa in dhaqaale malaayiin doolar ah ay dowladda Soomaaliya ka hesho dalka Qatar. Cumar C/rashiid waxaa looga fadhiyaa inuu mashruucan dhameystiro kadib socdaalka uu hadda ku joogo Qatar. Waxaa laga sugayaa Mareykanka oo la qorsheeyay inuu ka codsado in liiska argagixisada laga saaro Sheekh Xasan Daahir, taasoo micnaheedu yahay in dowladda Soomaaliya kaliya laga rabo codsi rasmi ah oo arrintaasi ay dhameystay dowladda Qatar.

laakiin waxaa soo shaac baxaya dhinaca kale inuu loolan ka dhaxeeyo gudaha dalalka Khaliijka. Madaxweynaha wuxuu u gacan galay Imaaraadka Carabta oo dhinaca Masar u jiideysa, Qatar oo hadda iyaduna la wareegtay Ra’iisal wasaaraha iyo Turkiga oo dhinaciisa looga badiyay arrintan laakiin ku xoog badan gudaha dalka.

- Advertisement -

Warbixinta Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON