Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta wada guddoomiyey shir looga hadlayay Qorsheyaasha Amniga dalka iyo ku shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu dejisay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hay’adaha amniga dalka, ayna ka go’antahay in la helo amni buuxa, iyadoo ay jiraan caqabado badan.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in qorshaha Amniga dowlada u baahan yahay maalgelin waqtiga la jaanqaadaysa, iyadoo ay shirka ka qeyb galeen talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay ku sugnaayeen wakiilada beesha caalamka oo qeyb ka ahaa shirka, gaar ahaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Ra’iisulwasaaraha ayaa ka hadlay Xaaladda Amniga iyo Qorshaha dowladda ka dejisay oo u baahan dhaqangelin.