Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu hadda uga socdo Madaxtooyada madaxda dowladda Federaalka iyo Saraakliisha AMISOM.
Shirkan oo markii hore ku bilowday Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Wasiirka Amniga & taliyeyaasha ciidamda ayaa waxaa kadib ku biiray saraakiisha AMISOM, waxaana shirkan looga hadlayaa xaaladda Amniga Baarlamaanka iyo magaalada Muqdisho oo ku jira xiisad siyaasadeed oo ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Baalamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad ku eedeeyay inay ciidamo hubeysan la galeen xarunta Baarlamanka ayna halis geliyeen amniga xildhibaannada.
Waxaa lagu wadaa in go’aan amni oo adag ka soo baxo kulanka amniga ee u socda Madaxweynaha iyo taliyeyaasha ciidamada, iyadoo AMISOM ay qeyb ka tahay arrintan cusub ee ka dhex qaraxday Baarlamaanka Federaalka.