Shirka saddex geesoodka Madaxda dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa Berri ka furmaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda saddexda dal oo isbaheysi sameystay.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Galabta goor danbe ka degay garoonka Diyaaradaha magaalada Asmara, isagoo uu la socdo Wasiirkiisa Difaaca Lemma Megersa, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ay shir saddex geesood ah ku yeelan doonaan magaalada Asmara, ayna ka wadahadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga saddexda dal.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa shaacisay caawa in Madaxweynaha Soomaaliya uu Berri tegayo magaalada Asmara ee dalka Eritrea, isagoo ku biiri doona madaxda dalka Eritrea iyo Itoobiya oo shir saddex geesood ah ku yeelan doona halkaasi, kana wadahali doonaan iskaashiga xoojinta xiriirkooda.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Eritrea ayaa imaanaya iyadoo horaantii bishan Janaayo 2020 uu socdaal ku tegay dalkaasi, waxayna noqoneysaa 3 toddobaad gudahood inuu markii labaad u safro dalka Eritrea.