Shir ku saabsan wadashaqeyn dhex marta Warbaahinta Muqdisho iyo Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa shirka ku sugan Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C./Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Yoonis Iidaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga C/Naasir Siciid Muuse iyo qaar ka mida madaxda Warbaahinta.
Waxaa la sheegay in shirka looga hadlayo qaabka ay u wada shaqeyn karaan Hay’adaha Amniga ee dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta madaxa banaan ee ka jirta dalka, taasoo noqoneysa arrin ku cusub saxaafadda.
Hay’adaha ammaanka ayaa si toos ah u farageliya warbaahinta iyagoo maxkamad la’aan weerara, albaabada isugu dhufta, isla markaana iska xirta warbaahinta iyo saxafiyiinta, waxaana shirkan goobjoog ka ah xubno ka socda Midowha Yurub.
Lama oga sida ay u wada shaqeyn karaan hay’ado qaabilsan Amniga iyo saxaafadda, taasoo dhinac kale saxaafadda ka dhigeysa mid qeyb ka ah loolanka dowladda iyo ururrada kasoo horjeeda.
Wadani.com