Kulan daba socda Shirkii Amniga Soomaaliya oo looga hadlayey xaaladda dalka iyo sidii ciidamada Soomaaliya xilka ugala wareegi lahaayeen AMISOM ayaa maanta ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Waxaa shirka wada guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating iyo Guddoomiye ku xigeenka Midowga Afrika Simon Mulongo, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiilada beesha caalamka iyo wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka.
Shirkan oo diiradda lagu saarayay qorshaha diyaarinta ciidankii la wareegi lahaa amniga dalka , kuwaaso oo badeli doona ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda. Waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.
Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka. Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka Soomaaliya.
Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka, wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay Beesha Caalamka ka qaadatay sugida amniga dalka.