Kulan ay soo qabanqaabiyeen Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa galabta ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka socda Hotelka SYL ayaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mida, iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed.
Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir ayaa la soo weriyay inay shirka isaga baxeen ilaa 7 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda.
Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya.
Wadani