Shirka horumarinta iyo isku xirka Qaaradda Afrika ee ‘Africa Now’ ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, isagoo socon doona maalmaha 12-13 Maarso 2019.
Shirkan oo ergo kumanaan ah ay isugu yimaadeen waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha Somalia oo noqday madaxeynaha kaliya ee shirka ka qeyb galaya marka laga reebo madaxweynaha Uganda ee martida loo yahay, waxaana ka baaqsaday madaxweyneyaasha South Afrika iyo Masar.
Waxaa kaloo shirka ka qeyb galaya madaxweyne ku xigeenada dalalka Kenya iyo Tanzania, iyadoo madaxweynaha Masar oo sanadkan ah guddoomiyaha Midowga Afrika uu diray mas’uul ku metelaya shirkaasi.
Furitaankii shirka ayaa baroordiiq loo sameeyay dadkii ku dhintay diyaaradii Eithopia Airlines ee dhowaan burburtay.
DAAWO SAWIRRO










