Monday, May 12, 2025

Shirka beri ee Baarlamaanka oo la isku bir tumanayo (Xogtii ugu danbeysay)

Kulanka uu ku baaqay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu furmayo maalinta beri ee Isniinta ah ayaa la isu diyaarinayaa iyadoo xiisada labada dhinac ay sii kordheyso, waxaana Muqdisho ka socda shirar is daba joog ah oo labada garab ee baarlamaanka ay yeelanayaan.

XILDHIBAANO GACANTA ISULA TEGA
XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Jimcihii ku hajabay inuu tallaabo ka qaadi doono xildhibaannada caadeystay inay hor istaagaan mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha. Qaar kamida xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa iyagana dhinacooda uga digay Prof. Jawaari inuusan Baarlamaanka keenin mooshinka siyaasadeysan.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno labada dhinac ayaa sheegaya in madaxweynaha uu dalbanayo degdeg u soo afjaridda mooshinka iyo kalsooni kala noqoshada Ra’iisal wasaare C/weli, isagoo heshiis hoose kula galay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu maareeyo shirka, xildhibaanada qas-wadayaasha ahna sharciga la marsiiyo oo laga saaro gudaha xarunta Baarlamaanka.

Ad

Waxaa laga cabsi qabaa in la isku fara saaro shirka beri ee Baarlamaanka xilli taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha ku adkeysanayaan inay hor istaagi doonaan shirkaasi haddii ay u arkaan in tirada kooramka ku furmi karo ay joogto shirka. Waxayna dejisteen qorshe ah inay shirka kooram la’aan u baajiyaan ama ay guux iyo nashiidooyin ku hor istaagaan.

 

Goobjooge.com

- Advertisement -

Mogadishu-Somalia

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON