Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Shirka Garowe oo la isku mari la’ yahay qodob ka mida dastuurka Galmudug oo la bedelayo (WARBIXIN)

    Shirka Garowe oo la isku mari la’ yahay qodob ka mida dastuurka Galmudug oo la bedelayo (WARBIXIN)

    July 15, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa maanta mar kale dib uga bilowday Magaalada Garowe shirkii saddex geesoodka ee u dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomalaiya iyo madaxda Maamulada Puntland iyo Jubba  kadib markii isku mari waayay kulamadii shalay iyo xalay dhacay.

    Sharmarke-vs-Puntland

    Shirka Garowe ayaa looga hadlayaa afar qodob oo kala ah:

    1. Dhismaha Maamulka Galmudug
    2. Guddiyada Qaranka ee la dhisay sida Guddiga Doorashada iyo kan Xuduudaha
    3. Dastruurka KMG ah & qodobo laga bedelay
    4. Shirka Qaramada Midoobay qabanqaabineyso oo Muqdisho ku dhex maraya madaxa maamulada iyo dowladda Federaalka.

    Is mari waaga jira ayaa ka dhashay rabitaanka Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee ah Puntland iyo Juba ay aqoonsadaan Maamulka Galmudug iyo inay aqbalaan Guddiyada qaran iyo Xeerarka uu meel mariyay Barlamanka.

    Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa si wadajir u diiday qodobadaas oo dhan, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay jebisay heshiisyo ay hore ula gashay Puntland iyo Dastuurka KMG ah.

    Ra’iisal wasaare oo waanwaan hore la galay madaxweynaha Galmudug ayaa la tegay shirka Garowe in dastuurka Galmudug laga saarayo qodobka  sheegaya in xuduuda Maamulkaasi uu la leeyahay Puntland ay tahay gobolka Nugaal, laakiin madaxweyne C/weli Gaas ayaa diiday in Galmudug ay tahay maamul goboleed la siman Puntland iyo Juba, wuxuuna caddeeyay inaysan meel wada fariisan karin C/kariin Guuleed wax kastoo dhaca.

    Dowladda Federaalka ayaa dadaalkeeda oo dhan isugu geyneysa in la aqoonsado Galmudug, balse waxaa muuqata in labadan maamul ay isku baheysteen inay faquuqaan Galmudug, tani oo salka ku haysa arrimo qabyaaladeed. Waxayna ka siman yihiin inaysan ogoleyn in Galmudug noqoto maamul jira xitaa marka la ogolaado inaysan saameyn ku yeelaneyn degaanada Puntland.

    Axmed Madoobe ayaa la sheegay in arrinta Galmudug uu ka gaabsanayo isagoo saaxiibo kale ku leh halkaasi, balse inta uu ku sugan yahay Garowe uu taageeray mowqifka C/weli Gaas. Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka hor yimid xaalad adag oo salka ku heysa go’aan ay Puntland ku gaartay inay go’doomiso maamulka cusub ee Galmudug.

    Xigasho: Banadir.net

    [ad name=”HTML-1″]

    Galmudug Puntland Shirka Garowe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKhilaaf hareeyay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya & Mas’uuliyiin is casilay
    Next Article Ciidamada AMISOM & kuwa Jubba oo qabsaday tuulo u dhow Baardheere

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo