Shirkadda Ethiopian Airlines ee dalka Itoobiya ayaa maanta dib u bilaabeysa duulimaadyadii ay ku tegi jirtay, iyadoo isga gooshi doonta magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.
Duulimaadkii ugu horreeyay ee muddo 20 sano ah ayaa maanta waxaa daah fureysa diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ay la socdaan saxafiyiin badani waxay ku degi doontaa garoonka Asmara ee casimadda Ereteriya.
Arrintani ayaa ka danbeysay heshiiska dhex maray labada iyo booqashooyinkii lama filaanka ahaa ee labada hoggaamiye ku kala tageen labada dal, oo lagu saxiixay heshiisyo kala duwan oo iskaashi iyo dhaqaale leh.
Ethiopian Airlines ayaa ka mida shirkadaha diyaaradaha ee Afrika ugu horeeya, waxayna sanado badan ku guuleysatay shirkadda ugu wanaagsan qaaradda Afrika ee dhinaca duulimaadyada.
Horraantii todobaadkan ayuu madaxweyne Isais Afwerki booqasho ku tagay Addis Ababa, waxa uuna xilligii uu halkaasi joogay uu dib u furay safaaradii dalkiisu ku lahaan jiray Addis Ababa oo 20 sano xidhnayd.
Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya saandkii 1993, waxaana shan sano kaddib labadani waddan dhex maray dagaal ay ku naf waayeen 80,000 oo qof.