Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto dib u soo nooleynta shirkadii Diyaaradaha Calanka Soomaaliya wadatay SOMALI AIRLINES.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa laga soo xigtay in ay wadaan qorshe dib loogu howlgelinayo Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa doonaya in la soo nooleeyo shirkii burburtay Somali Airlines, iyadoo wasiirku sheegay inuu la kulmay Ganacsato uu kala hadlay dib usoo celinta Somali Airlines.
Mashaariic ay ballanqaaday dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ahaa maalgelinta iyo soo nooleynta shirkadda Somali Airlines, laakiin waxaa arrintaasi caqabad ku noqday mowqifka dhexdhexaadka ah ee Soomaaliya ka qaadatay xiisada dalalka Khaliijka.
DHAGEYSO
Wadani