Madaxda Dowladda Federalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta oo Arbaco ah dib u anba qaadaya shirkii xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.
Shirkan oo hordhac ah ayaa hakad galay laba maalmood, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya inay weli jirto kala fogaasho la xiriirta hannaanka doorashada, waxaana is-mariwaagan u dhexeeyaa madaxda Dowladda Fedealka iyo labada maamul ee Jubaland iyo Puntland uu yahay mid xoog leh.
Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqday labada dhinac ee Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada inay ka heshiiyaan hannaanka doorashada, waxaana baaqii ugu danbeeyay ee xalay uu gaaray in laga codsadao heshiis ay gaaraan bisha Ramadaan darteed.
‘”Waxaan ku boorineynaa madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeyada inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah, si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, wakhtigeeda iyo si nabad ah ku qabsoomi karta, iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan, si loogu oggolaado Soomaaliya in ay horay u socoto” ayaa lagu yiri bayaankii ugu dambeeyay ee shalay ka soo baxay beesha caalamka.
