Shirkii Baarlamaanka ee Talaadadii ku soo dhamaaday buuqa iyo fowdada kadib markii la hor istaagay mooshin laga keenay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa la filayaa in dib loo furo maailnta Sabtida 15-ka Bisha iyadoo xiisadii siyaasadeed aan wax xal ah laga gaarin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isku dayay maalmihii ugu danbeeyay inuu waanwaan la galo xildhibaanda labada dhinac ee is haya, waxaase ka hor yimid inay waanwaan galaan kooxda taageersan madaxweynaha ee mooshinka saxiixday, iyagoo ku adkeystay inaysan wax wadahadal ah galeynin. Laba guddi oo labada dhinac kala imaan lahaa si ay guddoonka Baarlamaanka ula kulmaan oo xal loogu helo is mari waaga taagan ayaa iyaduna fashilantay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo culeys ka saaran yahay dhinaca madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa go’aansaday inuu sabtida dib u furo shirka, lana qeybiyo mooshinka, taasoo ay ka biyo diideen kooxda xildhibaannada ah ee taageersan ra’iisal wasaaraha oo si cad ugu sheegay guddoomiyaha Baarlamaanka in dhibaato ka daran tii Talaadadii ka dhici doono Baarlamaanka haddii Jawaari isku dayo inuu mooshinka furo.
Ciidamo kala duwan ayaa la sheegay in la adeegsan doono shirka Sabtida si ay ammaanka u adkeeyaan iyagoo la siin doono amar ah in xildhibaankii buuq sameeya ay dibadda u saaraan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
