Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay  inuu Isniinta 17-ka November iyo wixii ka danbeeya magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub oo bedela C/weli sheekh Axmed oo mooshin la isku mari la’ yahay hadda ka yaalo Baarlamaanka.

Warkan ayuu madaxweynuhu gaarsiiyay xubno ka mida Beesha caalamka oo xafiiskiisa ugu tegay si ay ugala hadlaan khilaafka ka dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal wasaaraha. Xubnahan oo ka socday Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa laga soo xigtay inuu madaxweynuhu ku rajo weyn yahay Sabtida shirka Baarlamanka in mooshinka la bilaabo, Axaddana codka kalsoonia loo qaado, kadibna halkaasi lagu rido xukuumadda hadda jirta.
Qorshaha madaxweynaha ayaa ahaa in degdeg looga takhaluso Ra’iisal wasaaraha isagoo dhowr jeer ku canaantay dadka u qaabilsan ololaha mooshinka lagu  ridayo xukuumadda inay gaabinayaan, wuxuuna rajo badan ka qabaa in toddobadka soo socda dhammaadkiisa uu dalku yeelan doono Ra’iisal wasaare cusub.
GOOBJOOGE.COM
LONDON
[ad name=”HTML”]