Shirkii maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa maanta dib uga furmay degmada Cadaado kadib markii uu hakad ku jiray ku dhowaad toddobaad, markii muran soo dhex galay ergada shirka iyo guddiga farsmada oo keentay gacan-ka-hadal iyo buuq.
Ergada shirka ayaa loo qeybiyay qodobadda qabyo-qoraalka maamulkaasi, waxaana shan kooxood loo qeybiyay ergada ku sugan madahsa si ay uga doodaan una ansixiyaan dastuurka, waxayna ogolaadeen ergada in xuduudka maamulka Gobolada dhexe uu noqdo Gobolka Nugaal ee Puntland, arrintan oo halis ku noqoneysa maamul goboleedka Puntland iyo dowladda Federaalka oo heshiis ku galay in Waqooyiga Mudug aanay ka mid noqon maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe.
Guddiga farsamada shirka iyo wafdiga wasiirka arrimaha gudaha ayaa doonaya in degdeg loo ansixiyo dastuurka, si loogu gudbo soo xulitaanka Golaha wakiilada maamulkaasi yeelan doono, laakiin waxaa dhinaca kale jira ergo ka baxday shirka oo bannaanka ka taagan kuna eedeysa dowladda federaalka iyo gudiga farsamada inay faragelin ku hayaan shirka.
Qodobkan xuduudka Puntland ayaa ah mid dib u soo nooleyn doona qeylo dhaantii Puntland iyadoo dhowaan ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid la ogyahay inuu shirka Cadaado ka saaray ergo ka socotay waqooyiga Mudug.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]