Waxa goor dhoweyd Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka furmay shirkii Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Shirka ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, iyadoo shirkan uu yahay mid xasaasi ah oo laga filayo in lagu gaaro go’aano quseeya dowlada federaalka iyo hoggaanka Golaha Maamul Goboleedyada.
Waxaa shalay magaalada Kismaayo tegay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulan guud iyo kuwo kala gaara la yeeshay madaxda maamul goboleedyada iyadoo uu hal maalin dib u dhacay shirka.
HOOS KA DAAWO

![Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ka furmay Magaalada Kismaayo [TOOS U DAAWO]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/09/38947690_270094320496830_2198675350316122112_n.jpg)