Waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada.
Shirka oo uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka qeyb galaya Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gudodomiyaha iyo Madaxd shanta Maamul Goboleedyada ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubaland, waxaana wehliya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka Golaha wadatashiga oo dib u dhacay muddo toddobaad ah waxaa looga hadlayaa dardargelinta iyo dhameystirka Doorashadda, waxaana horyaalla ajendayaal ay ka mid yihein:
1- Sixitaanka Doorashada Golaha Shacabka.
2- Wadashaqeynta Guddiyada Doorashada
3- Habraacyada Doorashada ee cabashada laga keenay
4- Jadwal loo sameeyo dhammeystirka Doorashada



