Madaxweynaha Soomaaliya & Ra’iisal wasaaraha ayaa kulan la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulankan oo la sheegay inuu ahaa mid lagu furay shirkii madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulka dowlad goboleedyada ayaa looga hadlayaa xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Shirka ayaa lagu furay warbixin ku saabsan xaaladda ammaanka Muqdisho iyo warbixin la siinayo madaxda maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa shirka guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna dib u dhacay saacado kooban oo ay ugu wacneyd shir kale oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen Guddiga Ammaanka ee taliyeyaasha ciidamada, madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, kaasoo looga hadlay xaaladda ammaanka caasimadda.
SAWIRRO