Shirkii madaxda dalalka islaamka ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa laga soo saaray go’aano adag oo ku saabsan magaalada Qudus.
Madaxda dalalka Islaamka ayaa isku raacay go’aano ay ka mid yiihiin: In dhawaaqi madaxweynaha Mareykanka ee magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil uu yahay mid sharci darro ah oo wax kasoo qaad aan lahayn.
Qodobada kale ee shirka kasoo baxay waxaa ka mida:
2- In magaalada Qudus-ta Bari ay tahay caasimadda Falastiin
3- In Mareykanka laga saaro dhexdhexaadnita Falastiin iyo Israa’iil
4- In Golaha ammaanka loogu baaqay inuu dib u xaqiijiyo sharcinimada magaalada Qudus ee caasimadda Falstiin
5- In la soo gabagabeeyo heysashada Israa’iil ee dhulka Falastiin, lana damaanad qaado dowlad ay leedahay Falastion.
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahood Falastiin, isla markaana ka horjeedo go’aankii madaxweynaha Mareykanka ee Qudus.