Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuusan War ka heynin shirka la sheegay inuu Berri ka furmayo xerada Afisyoone ee wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay baraha bulshada ku arkeen qoraalka Madaxtooyada ee Farmaajo soo saaray ee ku baaqay shirka Berri furmaya, wuxuuna caddeeyay in ilaa iyo hadda aysan jirin shir rasmi ah oo ay ogyihiin.
” Shirka berri furmayo ilaa hadda wax rarsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri annagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weerarray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Madaxdii hore” ayuu yiri Siciid Deni oo wareysi siisay BBC-da
Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.
Wuxuu sheegay inay Muqdisho u tageen martiqaad ay u fidiyeen Beesha Caalamka sida safiirka Mareykanka iyo Wakiilka UN-ka: “Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yama Moto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka”.
