Maraykanka ayaa maalmo gudahood ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya, kadib amar kasoo baxay madaxweynaha xilka kasii dhammaanayo ee Donald Trump.
Arrintan ayaa saameyn ku yeela doonta ciidamada Danab ee la aasaasay 2013 oo intooda badna lagu tababarro Soomaaliya, koox yarna loo qaado dibadda, waxaana mushaarkeeda, saadkooda iyo tababarkoodaba gacanta ku hayey ciidamada Maraykanka.
Ciidamadan oo ah kuwa ugu tababarka fiican ee dowladda Soomaaliya leedahay, waxayna si weyn ugu tiirsanaayeen Mareykanka gaar ahaan howlgalkooda oo ay wadajir u qaadi jireen, iyagoo ka heli jiray tas-hiilaadka ay u baaan yihiin.
Saameynta arrintan yeelan karto waxaa looga faalooday Barnaamijka Galka Baarisa VOA-da ayaa cabdi laga qabaa in ciidamadaasi ay kala tagaan ma ku kala biiraan ciidamada kale.
HOOS KA DHAGEYSO
