Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Sidee Dowladda Farmaajo Horjooge Roobow ugu bedeshay Hoggaamiye Shacbiyad leh..?! [FAAQIDAAD]

    Sidee Dowladda Farmaajo Horjooge Roobow ugu bedeshay Hoggaamiye Shacbiyad leh..?! [FAAQIDAAD]

    December 15, 2018Updated:December 15, 20184 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Intii uu xilka madaxweyne u tartamayey Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu soo jeediyey in wadahadal lala furo Alshabaab, markii uu talada la wareegayna wuxuu cafis u fidiyey madaxda iyo maleeshiyada kooxda Alshabaab.

    Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Alshabaab Mukhtaar Roobow Cali wuxuu ahaa mas’uulkii ugu sareeyay ee dowladda Farmaajo isu soo dhiibay, waxaana Muqdisho laga soo dejiyey 13 Ogost 2017, iyadoo ay arrintaasi ka shaqeeyeen wasiiro ka mida xukuumadda oo ka soo jeeda K/Galbeed, gaar ahaan wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed. [Akhri Warka]

    Dowladda Somalia ayaa saxaafadda hor keentay Sheekh Mukhtaar Roobow, isagoo war-saxaafadeed uu akhriyey ku sheegay in ku dhowaad 5 sano ka hor ka baxay Alsahbaab, wuxuuna ku baaqay nabad, wuxuuna caddeeyya in dowladda Soomaaliya ay u socdaan wadahadal. [Akhriso Qoraalka] ama  [Ka dhageyso halkan].

    Wixii intaas ka dambeeyay waxay dowladda Soomnaaliya laba maalmood kadib soo saartay War ku saabsan Muhtaar Roobow [Ka akhriso halkan], iyadoo soo dhoweysay Sheekha oo ka faa’idieysay cafiskii Madaxweyne Faraamo.

    Wixii markaas ka danbeeyay ma jirin wax dheeraad ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, marna shacabka lama wadaagin xaaladda wadaadka Sheekh Roobow, taasi bedelkeedna waxaa la arkay in Mukhtaar Roobow oo gacanta ugu jiray NISA in loo fasaxay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo weliba loo fududeeyay oo xubno madax ah ay ku wehliyaan.

    Dowladdu waxay u ogolaatay inuu si caadi ah u u tago magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo, waxayna siisay baasaboor Diblomaasi ah, isagoo  safarro ku tegay Kenya iyo Sacuudiga, waxayna dadku u arkeen inuu yahay nin ay dowladu wadato.

    Waxaa yaab lahayd in muddo sanad ah uu Horjooge Roobow ku hoos jiray gacanta dowladda Soomaaliya, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin maleeshiyadiisii hubeysneyd, xaaladiisa siyaasadeed iyo waxa laga damacsan yahay.

    Dowladda Soomaaliya dheg uma dhigin baaqii Hay’adda xuquuqda aadana Amnesty International ee ahaa in baaritaan lagu sameeyo denbiyadii uu horjooge Roobow ka galay dadka Soomaaliyeed iyo kaalintiisii weerarrada Alshabaab ku laayeen dad badan oo aan waxba galabsan, waxayna taasi bedelkeed kharashkii dolwadda ku maalgelisay safarradiisa gobollada iyo dibadda. [Baaqa Amnesty International]

    Dowladda Soomaaliya ugu danbeyn waxay Roobow u suuragelisay inuu ka mid noqdo ololaha doorashada la filayay inay ka dhacdo maamulka K/Galbeed oo uu kasoo jeedo, wuxuuna Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda isagoo ka mid ahaa xubno doonayey inay isu sharxaan doorashadaasi.

    Dowladda Somalia waxay Mukhtaar Roobow u suuragelisay inuu tago magaalada Baydhaba isagoo u socda shaacinta musharaxnimadiisa, waxaana Muqdisho ka ambabixiyey Agaasimaha NISA, oo isna markii danbe ku biiray, kana mid noqday musharixiinta xilka madaxweynaha K/Galbeed.

    Dowladii intaas oo tas-hiilaad ah u sameysay Horjooge Mukhtaar Roobow, markii uu noqday musharax madaxweyne, kuna dhawaaqay inuu ka qeyb galayo doorashada  ayaa mar kaliya is-bedeshay waxaan saq dhexe wasaaradda Amniga Soomaaliya soo saartay Qoraal ay ku sheegtay inuusan tartami karin Mukhtaar Roobow..!! [Arag warkan]

    Wixii markaas ka dambeeyay waxay dowladu ku jirtay dagaal kula jirtay mushkilad ay iyadu abuurtay.., waxayna arrintii sii xumaatay markii uu is-casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo Roobow  ka dhigtay inuu helo taageerada siyaasiyiinta K/Galbeed ee ku kacsan dowladda Framaajo iyo shacab fara badan.

    Shariif Xasan kadib, wuxuu Roobow isu bedelay musharaxa koowaad iyo ninka looga cabsi qabo inuu ku guuleysto doorashada K/Galbeed, waxayna jawaabta dowladu noqotay inay weyso xal aan ahayn adeegsida ciidamada Itoobya si loo xiro Wadaadka, kadib markii uu halis ku noqday qorshaheeda ah inuu K/Galbeed madaxweyne ka noqdo musharaxii ay wadatay Villa Somalia.

    Xariga Roobow, Itoobiyaanka loo adeegsaday, dhiigga ku daatay iyo qalalaasaha ka dhashay waa natiijada ka dhalatay siyaasadda jaha-wareersan ee Villa Somalia iyo kooxda Farmaajo dalka ku maamulayeen ku dhowaad 2 sano, waxayna horjooge dembiile ah ka dhigeen hoggaamiye shacbiyad leh..!.

    Ma aha kiiskii ugu horeeyay ee dowladda Farmaajo caddowgeeda ku abuurato ama shacbiyadeeda hoos ugu dhigto oo dhaawac weyn kasoo gaaro falal aan laga fiirsan oo u ugu horeeyay kiisii Qalbi-dhagax, laakiin waxay su’aashu tahay goormee abuuran doontaa kiis kale..?

    FAAQIDAAD- GOOBJOOGE.NET

    Alshabab Baydhaba Doorashada K/Galbeed Farmaajo Mukhtaar Roobow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Shan Qodob oo Guddoomiye Mursal kasoo saaray Doorashada K/Galbeed & Musharax Roobow
    Next Article Xildhibaannada taageersan Madaxweyne Farmaajo Bandhig ku sameeyay Muqdisho [Imisa ayay gaareen?-Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo