Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Sidee Dowladda Somalia uu diyaar garowday Coronavirus..? (Karaantiilka 110 Qof & Daweynta 100 kale..)

    Sidee Dowladda Somalia uu diyaar garowday Coronavirus..? (Karaantiilka 110 Qof & Daweynta 100 kale..)

    April 7, 2020Updated:April 7, 20202 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo dunida oo dhan la hardameyso cudurkii ugu xumaa oo saf mar ah muddo 100 sano ah soo mara, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay 5 Milyan oo Doolar u qoondeysay la-tacaalidda cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus.

    Burburka Soomaaliya ka dhacay iyo dowladda tabarta yar ee ka jirta darteed ayey Soomaaliya ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul xaalad kasta oo ka dhalata cudurkan, waxaana aad u hooseeya adeegyada caafimaad ee dalka ka jira.

    Diyaargarowga dowladda Soomaaliya gashay ayaa ah mid kooban marka loo eego dalalka deriska ah, waxaana si gaabis ah ku socda qaababka looga hortagayo cudurka Covid-19 ama lagula tacaalayo dadka laga helay gudaha Soomaaliya oo hadda gaaray 7 qof.

    Agaasimaha Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka tirsan Guddiga ka hortagga Coronavirus C/risaaq Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay heysato 25 sariirood oo xaaladda degdegga ah lagula tacaali karo, ayn diyaariyeen 110 sariirood oo karaantiil ah iyo 100 Sariir oo bukaanadda cudurka lagu daweyn karo, waxaana la diyaariyey isbitaalka Martini,. taasoo muujineysa inaysan Somalia wax awood ah u lahayn la-tacaalidda cudurkan.

    Baaritaanka cudurka ayaa loo qaadaa dalka Kenya, halkaasoo lagu soo xaqiijiyo jiritaaka dadka qaba cudurka, iyadoo ay muddo qaadato. Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa tababartay shaqaale caafimaad oo gaaraya 500 qof ilaa bishii Janaayo sida uu sheegay madaxa WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik.

    Waxay kaloo WHO Soomaaliya keentay qalabka shaqaalaha caafimaada xirtaan oo ay kula tacaali karaan 300 ilaa 400 kiis. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsadaha Shiinaha ee Jack Ma ka heshay deeq qalab caafimaad oo loo qeybiyey maamul Gobooleedyada iyo G/Banaadir.

    Cabsida ugu weyn ee dhaqaatiirta caafimaadka qabaan ayaa ah haddii uu Coronavirus bilaabo inuu ku fido gudaha dalka inaysan jirin qaab lagula tacaalo, haba ugu darnaato Qalabka xaaladda degdegga ah oo dalka aad ugu yar iyo sheybaar casri ah oo aanu dalku lahayn.

    Waxaan muuqan diyaargarow weyn oo dowladdu ku jirto, iyadoo la sugayo taageero dibadeed oo waqti qaadan doonto xilli dalalkii ugu waaweynaa caalamka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dadkooda cudurku soo ritay ugu heli lahaayeen Mishiinadda lagu neefsado, Qalabka dhaqaatiirtu xirtaan iyo Weji-xirka.

    Dowladda Soomaaliya oo soo rogtay amarro lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka, laguna joojiyey waxbarashadii Jaamacadaha, Iskuuladda iyo Dugsiyada, shaqada dowladda qaarkeed ayaa dhinac kale waxaa si caadi ah u socda nolol maalmeedkii dadka, iyadoo suuqyada ay camiran yihiin.

    Coronavirus Cudurka Corona Top Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Musuqmaasuq hareeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya & Faahfaahinta laga helay
    Next Article Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo faahfaahin ka bixyey Duqeyn ka dhacday Jilib & Warar sheegaya in…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo