Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Musuqmaasuq hareeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya & Faahfaahinta laga helay

    XOG: Musuqmaasuq hareeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya & Faahfaahinta laga helay

    April 7, 2020Updated:April 8, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa hareyay fadeexad Musuqmaasuq ah oo keentay in la xiro Agaasimihii guud ee wasaaradda iyo Agaasimihii Maamulka lacagta, iyadoo laga cabsi qabo inay lugaha la gasho mas’uuliyiin iyo wasaarado kale.

    Fadeexdan aya qaraxday xilli xasaasi ah oo Wasaaradda laga sugayo inay hoggaamiso dagaalka lagula jiro Coronavirus oo dunida oo dhan ku faafay, waxaase Googjooge.net ay ogaatay in kiiskan uu kasoo bilowday is-casilaadii agaasimihii sii hayey xilka Machadka Caafimaadka Qaran ee Qaasim Axmed Jimcaale. (Akhriso)

    Xogta ayaa sheegeysa in Qaasim Axmed Jimcaale ay isku dhaceen agaasimaha lacagta Wasaaradda Maxamuud Maxamed Buulle, kadib markii bannaanka laga dhigay maamulka dhaqaalaha dib u dhiska Machadka, marka uu xilka iska casilayna looga yeeray Xafiiska Ra’iisal wasaraha, isagoo siiyey warbixin ku saabsan wax is-daba marin ka jirta wasaaradda Caafimaadka.

    4 April 2020 xilli habeennimo ah ayey ciidamada dowladda gurigiisa kala baxeen Agaasimihii maamulka Maaliyada Wasaaradda Caafimaadka oo baaritaan iyo wareysi lala yeshay kadib ay arrinta lugaha la gashay Agaasimaha guud ee wasaaradda C/llaahi Xaashi Cali oo isagana ay xireen ciidamada dowladda 6-dii April ee shalay. (Akhriso)

    Baarista musuqa la sheegay inuu ka dhacay wasaaradda caafimaadka waxaa hoggaaminaya xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka, waxaana baaraya CID-da, iyadoo dhaqaalaha la is daba mariyey ee la baarayo uu la xiriiro Machadka Caafimaadka oo mashruuciisala ogolaaday iyo maamulka lacago kale.

    Agaasimaha Maaliyadda Wasaaraddda Maxamuud Maxamed Buulle ayaa la sheegay inay arritntan kula jiraan mas’uuliyiin kale, laakiin aysan door weyn ku lahayn Wasiiradda Fowsiya Abiikar Nuur oo ka mida xubnaha Golaha wasiirada ee aan saaxiibada badan lahayn.

    Qandaraas ku saabsan Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar ayaa waxaa dhowaan maamushay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, kaasoo la siiyey qandaaasle Soomaali ah bishii hore, iyadoo aanu quseyn kiisaska loo xiray labada aagaasime, balse la filayo in baaritaanka uu saameyn ku yeesho.

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan kiiska musuqa ah ee mas’uuliyiinteeda ay ku dhammaadaan xal hoose iyo culeys beeleed oo keena in marka danbe lasii daayo mas’uuliyiintaasi.

    1 2
    C/llaahi Xaashi Fowsiya Abiikar Nuur Musuqa Wasaaradda Caafimaadka MUSUQMAASUQ Top Wasaaradda Caafimaadka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDaawo cusub oo la ogaaday inay 48 Saacadood ku joojin karto Cudurka Coronavirus.
    Next Article Sidee Dowladda Somalia uu diyaar garowday Coronavirus..? (Karaantiilka 110 Qof & Daweynta 100 kale..)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo