Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa shaaciyey in xal laga gaaray arrintii shahaadada ardayda dugsiyada sare ee Puntland.
Xildhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatadii ka taagneyd Shahaadadda ardayda Dugsiyada Sare ee Puntland xal laga gaaray, haddana lagu jiro arrimo farsamo oo ay isla dhammeyn doonaan wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka iyo Wasaaradda waxbarashada Puntland.
Xildhibaannada ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayna ballanqaadeen in shahaadadooda ay heli doonaan Shahaadadoda; isla markaana la isla qaatay in arrintaasi la xaiiyo oo aysan arrinta shahaadada ardaydu noqon mid la isku qabsado.
Waxay u mahadceliyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre oo arrintaan dadaal badan geliyey, lana soo afjaray howshaasi, ayna sidoo kale la xiriireen Madaxweynaha Puntland SiciidC/llaahi Deni oo uu la qaatay arrintan.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Puntland ayaa ardayda Puntland u sheegay inaysan ka welwelin shahaadadooda, iyadoo ay howsha ku jiraan wasaaradda Waxbarashada Puntalnd iyo Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in siyaasad ahaan laga heshiiyey oo ay wadahadleen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, iyadoo xalka arrintan loo daayey wasaaradaha waxbarashada xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana go’aan laga gaarayaa qaabka imtixaanka looga qaadayo ardayda dugsiyada sare e Puntalnd.
Wasiirada Waxbarashada dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa laga sugayaa inay keenaan qaabkii loo mari lahaa inay helaan ardayda Puntland shahaadadda dowladda Federaalka ee Dugsiyada Sare.