Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Sidee Madaxweyne Qoorqoor u ansixiyey Miisaaniyadii Galmudug isagoo aan magacaabin Gole Wasiiro..?

    Sidee Madaxweyne Qoorqoor u ansixiyey Miisaaniyadii Galmudug isagoo aan magacaabin Gole Wasiiro..?

    March 3, 2020Updated:March 3, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaasaxiixay miisaaniyadda maamulka Galmudug ee sanadkan 2020-ka kaddib markii ay shalay meelmariyeen Golaha Baarlamanka Galmudug.

    Miisaaniyadda ayaa gaareysa 17,230,054.00 (Toban iyo toddoba milyan, laba boqol iyo soddon kun, iyo konton iyo afar doolar) waxayna noqotay shaqadii ugu horeysay ee uu qabto madaxweyne Qoorqoor, isagoo aan magacaabin Gole Wasiiro oo ah howsha koowaaad ee laga rabo inuu ku dhaqaaqo markii la doorto muddo bil gudaheed ah. Waxaa Miisaaniyadda diyaariyey qaar ka mida Golihii wasiiradii hore ee Galmudug oo inta badan xilalkii uu ka qaaday Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf, golahaas oo sanad ku dhowaad aan shaqeynin.

    Miisaaniyadda ayaa lala sugi waayey Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Qoorqoor oo shalay dalbaday muddo kordhin Bil ah si uu usii wado la-tashiyada iyo dib u heshiisiinta, waxaana dhacday in Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay Galmudug iyo Madaxweyne Qoorqoor ku xirtay shuruud ay ka mid tahay Miisaaniyad, canshuur ururin gudaha ah iyo xisaab-xir inta aan loo ogolaan in la siiyo lacagta ka xayiran iyo kharash bileedka dowladda Federaalka ay siin jirtay maamulka Galmudug.

    • XOG: Xukuumadda Somalia oo shuruud ku xirtay inay Lacagtii Galmudug u fasaxdo Madaxweyne Qoorqoor

    Si degdeg lacagta dowladda federaalka loogu fasaxo ayuu Madaxweyne Qoorqoor isugu yeeray wasiiradii hore ee Galmudug oo ay ku jiraan qaar muddo dheer xilka ka maqnaa iyo kuwo la eryay, waxaana wasiirkii hore ee Maaliyadda soo diyaariyey miisaaniyad la sheegay in laga ansixiyey Golaha Wasiiradii Galmudug ee qaabkaasi lagu keenay, iyadoo kadibna la horgeeyay Baarlamaanka labaad ee Galmudug, kadibna uu xalay saxiixay Madaxweyne Qoorqoor.

    Ujeedada ugu weyn ee Miisaaniyadda aan la lahayn Golaha Wasiirada loo boobsiiyey ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay lacagtii Galmudug u fasaxdo maamulka cusub ee ay taageerto, iyadoo howsha ugu horeysa ee lacagtaasi lagu qaban doono ay tahay xafladda caleemo -saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

    XOG: Xukuumadda Somalia oo shuruud ku xirtay inay Lacagtii Galmudug u fasaxdo Madaxweyne Qoorqoor
    Galmudug Madaxweye Qoorqoor Miisaaniyadda Qoorqoor
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskar ka tirsan ciidamada Dowladda oo gaadmo lagu dilay Ex. Kontrol Afgooye..
    Next Article Ciidamada Kenya oo Hoobiyeyaal ku riday magaalada Beled-Xaawo & Xuduudka labada dal oo la xiray..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo