Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda iyo dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo dad badan lagu dilay maanta.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh uu tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood.
Wuxuu ugu baaqay Soomaaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.
Mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah mid aan kala caddeyn, isagoo aan si toos ah u cambaareyn falalka ciidamda Somaliland ku dileen dadka rayidka ah ee Laascaano, halka uu ku gaabsaday baaq.
