Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Sidee Madaxweynuhu u guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada ee Shalay?! (Faaqidaad Sharci ah)

    Sidee Madaxweynuhu u guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada ee Shalay?! (Faaqidaad Sharci ah)

    July 20, 2015Updated:November 7, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ku dhaqaaqay fal ugub ah oo ka baxsan awoodiisa sharciyeed kadib markii uu shir guddoomiyaya shirkii degdegga ahaa ee Golaha wasiirada yeesheen oo socday muddo ka badan 5 saacadood.

    Madaxweynaha oo markii hore la sheegay inuu shirka Golaha Wasiirada u tegay kormeer ahaan. balse waxay xaaladu isu bedeshay inuu laf ahaantiisa la wareego guddoominta shirka oo waliba dood ku saabsan wax ka bedelka Miisaaniyadda 2015 u qeybiyo wasiirada ilaa markii danbe uu cod u qaado miisaaniyadda iyo wax ka bedelkeeda oo la sheegay in la ansixiyay. Waxaana la yaab lahay in xubnaha golaha wasiirada aanu midkoodna madaxweynaha u sheegin xaaladda uu ku dhex jiro iyo sharci darrada uu ku dhacay, iyadoo uu fadhiga markii hore guddoominayay wasiirka Cadaaladda maadaama ay maqan yihiin Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa.

    xasan-ilkjiir

    Shirkii shalay wuxuu noqon doonaa mid taariikhda galay iyadoo warbaahinta dowladda ay shaacisay “MADAXWEYNAHA OO GUDDOOMIYAHAY SHIRKII GOLAHA WASIIRADA”.  Ka sokow go’aanada lagu gaaray wuxuu madaxweynuhu wuxuu faragelin ku sameeyay hay’adii fulinta ee dalka oo ay ahayd inuu ku dhowro kala madax bannaanashaha hay’adaha dalka ee fulinta iyo madaxtooyada, wuxuu kaloo falkiisu caddeyn u yahay in labadii awoodood ee fulinta iyo madaxtooyada uu isku qaatay madaxweynaha, iyadoo wasiir waliba xilkiisa uga baqayo inuu runta u sheego madaxweynaha ay ahayd inuu sharciga ilaaliyo balse nasiib darro hor boodaya.

    Awoodaha madaxweynaha waxay ku xusan yihiin Dastuurka uu  ku dhaartay, xilkiisuna kuma jirto inuu Hay’adda fulinta guddoomiyo.

    Hoos ka akhri awoodaha iyo xilka madaxweynaha ee Dastuurku cayimay

    Madaxwey

    [ad name=”HTML-1″]

    Madaxweynuhu wuxuu u xil saaran yahay isku xirka hay’adaha dowladda iyo ilaalinta sharciga, inuu gudoomiyo Golaha wasiirada waxay la mid tahay isagoo guddoomiyay Baarlamaanka oo dabcan aanay sina u dhici karin, maadaama golahaasi uu yahay mid balaaran, waxaase muuqata in golaha wasiirada uu madaxweynuhu fududeystay iyagiina ay isaga raaceen rabitaankiisa.

    Hay’adda fulinta ee xukuumadda iyo golaheeda wasiirada waxay leeyihiin awood iyo xilal uu dastuurku siinayo oo si cad u sheegaya howshooda.

    Hoos ka akhri awoodaha iyo xilka Golaha wasiirada sida Dastuurka u qeexay:

    Xukum

    Marka la isu eego labada awoodood waxaa muuqata in Golaha wasiirada ay leeyihiin gacanta sare oo dhammaan awoodaha fulinta ay iyaga oo kaliya leeyihiin, waxaana la yaab leh in shirkii golaha wasiirada ee  shalay 19 July 2015 madaxweynuhu guddoomiyay looga doodayay arrinta Miisaaniyadda 2015 oo gebi ahaan ah howl ay si gaara u leeyihiin Golaha wasiirada sida ku cad qodobka 99-aad faqradiisa (d).

    Dhacdooyinka noocan oo kale ah ee dadka oo dhami iska aqbalayaan ama la iska indha tirayo waxay nuxur beeliyeen sharcigii dalka, waxayna dowladnimadii dalka ka dhigeen mid hal qof ku kooban.

    Faaqidaadda Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Fad Golaha wasiirada Madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Sare maxay u soo faragelisay Kiiska Cali Yare?
    Next Article C/kariin Guuleed: “Galmudug waa kasoo gudubtay xilligii sacab lagu qarin lahaa”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo