Waxaa maanta markii ugu horeysay kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Labadan Aqal oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee ay wada kulmaan, waxaa hadda la dhaariyay oo si rasmi ah xildhibaan u noqotay 320 xildhibaan, taasoo kulankooda ka dhigeysa xildhibaadii ugu badnaa ee Soomaali ah oo shir yeesha.
Kulankan oo ka mida dhowr kulan oo labada aqal ay yeelan doonaan ayaa looga hadi doonaan qodobka ugu weyn ee horyaalla oo ah inay wadajir u magacaabaan Guddiga Doorashada madaxweynaha.
Howlaha ay wadaagaan labada aqal waxaa ka mida doorashada madaxweynaha, laakiin waxaan weli caddeyn doorka ay kala leeyihiin, wada shaqeyntooda iyo awoodaha mid waliba yeelanayo.
Cidda guddoomin doona labada aqal ayaa sidoo kale ah arrin u baahan in labada guddoon ay ka heshiiyaan ama ay labada guddoomiye ee Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi noqdaan LA-GUDDOOMIYEYAAL.
Soomaaliya waxaa maanta u bilaabanaya marxalad cusub oo dhinaca siyaasadda ah, waxaana labadan Aqal ay dad badan muujiyeen inay caqabad ku keeni doonaan xaaladda Soomaaliya oo markii horeba ahayd mid qasan.
Wadani.com