Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isbedello laga dareemay kusoo kordhiyay Villa Somalia tan iyo intii uu xilka la wareegay.
Farmaajo ayaa ololihii doorashada ku sameeyay ballanqaadyo waaweyn oo ay ugu horeeyaan la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta amaanada dadka.
Muddo 40 casho ah kadib madaxweyne Farmaajo dhaqamada uu ku soo kordhiyay Villa Somalia waxaa ka mida:
1- Inaan loo xiran wadooyinka Muqdisho.
2- Inuu Qarsoodi u safro, una soo laabto, loona sameyn maamuuskii madaxweyne.
3- Inuusan la-tashi xilalka dowladda ku magacaabin.
4 – In laga gaabsado ka hadalka warbaahinta ee dhacdooyinka ammaandarro.
5 – Inuusan soo dhoweysan guddoonada Baarlamaanka, kana dhigan saaxiibo.
5 – Inuusan waqti badan ku lumin qaabilaadda xildhibaanada Baarlamaanka.
6 – Inuusan Xiriri fiican la sameysan maamul Goboleedyada.
7- Inuu dowladda ku soo darin siyaasiyiintii isbedel-doonka ee ay saaxiibada ahaayeen xiligii ololaha doorashada.
8- Inuusan degdeg u booqan dalalka safka hore ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Tallaabooyinkan ayaa qaarkood keenay inay kala irdhoobaan madaxda Barlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiin ay hore saaxiibo u ahaayeen, waxaase xusid mudan in laga sugo shaqooyinkii ugu muhiimsanaa sida:
1- La-dagaalanka musuqmaasuqa
2- Sugidda ammaanka (Siiba caasimadda)
3- & Soo afjaridda Alshabaab
Waxaa soo diyaariyay: Wadani.com