Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Sirdoonka Itoobiya oo shaaciyey Magacyada xubno ka tirsan Alshabab & Daacish oo Dalkaasi lagu qabtay [Sawirro]

    Sirdoonka Itoobiya oo shaaciyey Magacyada xubno ka tirsan Alshabab & Daacish oo Dalkaasi lagu qabtay [Sawirro]

    September 23, 2019Updated:September 23, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo doonayey inay ka howlgalaan gudaha dalka Itoobiya.

    Faahfaahin ku sabsan Xubnaha lagu qabqabtay Itoobiya ayaa laga sii daayey warbaahinta dowladda Itoobiya, iyadoo la sheegay in xubnahaasi ay damacsanaayeen falal argagaxiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi; waxaana laga soo qabtay magaalooyinka Addis Ababa, Jigjiga, Diridhaba iyo Mooyaale, iyadoo ay ka mid yihiin dad kasoo jeeda dalalka Soomaaliya (Somaliland, Puntland), Yemen iyo Suuriya.

    Laanta sirdoonka Itoobiya ayaa sheegtay in laamaha amniga ay qabteen shaqsiyaad ka tirtsan ururrada Al-shabaab iyo Daacish oo u diyaar garoobayey sidii ay falal argagixiso oo khasaare weyn geysta uga fulin lahaayeen gudaha dalka Itoobiya.

    Qaar ka mida qabashada xubnahan waxaa gacan ka geystay maamulka Somaliland, waxana lagu qabtay magaalada Hargeysa. Waxaa la sheegay in xubnaan ay koontooyin ka furteen bangi ku yaalla dalka Itoobiya, iyagoo dhigtay lacag 2.5 milyan oo birrta Itoobiya ah.

    Ethiopian Intelligence _ Captured members of ISIS , Al -Shabab

    Xubnaha Kooxda Al-shabaab ee la qabtay waxaa hoggaaminayay Maxamed Cabdullahi oo watay magac been abuur ah kaas oo ah Yaxye Cali Xasan, waxaa uu Itoobiya ka galay dhinaca Dalka Jabuuti, waxaa la xiray isagoo sawirro ka qaadayey Garoonka Bole ee Adis ababa. Laba Nin oo kale oo la shaqeynayay, laguna kala magacaabo Abdek Maxamed Xuseen iyo Ridwaan Maxamed ayaa Itoobiya ka galay dhinaca Dalka Jabuuti, waxaa kaloo gacanta lagu dhigay Sumter Maxamed Imaan Yuusuf.

    Dhinaca Kooxda Daacish ayaa waxaa ay Itoobiya ka galeen Hargeysa  iyaga oo ka baxay Koofurta Soomaaliya sida ay shaacisay Hay’adda sirdoonka NISS ee Itoobiya. Dhinaca kale waxaa lagu qabtay Somaliland xubno ay ka mid yihiin: Isaaq Cali Sadden oo watay ID-kaar beer abuur ah oo uu ugu qornaa Magaca Ibraahim Cali Aadan, kan soo jeeda degaanka Soomaalida Itoobiya.

    Laba qof oo kale oo ka tirsan Daacish ayaa lagu kala qabtay degaanka  Chercher  oo ka tirsan Gobolka Oromada iyo Mooyaale oo ka tirsan Gobolka Soomaalida.

    Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sheegtay in xogta kooxahan ay la wadaagtay Maamulladda Somaliland, Puntland, iyo dowladaha kala ah Jabuuti, Mareykanka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Spain.

    Alshabab Daacish Itoobiya Sirdoonka Itoobiya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Jeesow: “Sheekh Shariif waa ku khaldan yahay inuu Shahaado Zuur u tago magaalada Kismaayo…”
    Next Article Sheekh Shariif: “Kama aqbali karno inuu Farmaajo burbur u horseedo Dowladdan, isagoo Boorso wata ayuu dalka yimid”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo