Siyasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah oo ka horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirka oo ka furmay Hotelka Pan Africa ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo dhibaatadda dhinacyada amniga iyo siyaasadda, waxaana ka dhex muuqday xubno ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, guddoomiyaha xisbiga Ileys Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee  Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadii KMG ahayd ee Cabdinuur Maxamed, C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale.
Xubnahan oo u badan musharixiin la tartamay madaxweyne Famaajo, xubno xilala laga qaaday iyo qaar si weyn uga horjeeda qaabka uu dalka ku hoggamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay iny war kasoo saari doonaan xaaladda dalka iyo tallooyin ay soo jeedind oonaan.








