Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Madaxweyne, Fadlan Kordhi Kana Dhabee Wadahadalka. [W/Q: Yusuf Garad]

    Madaxweyne, Fadlan Kordhi Kana Dhabee Wadahadalka. [W/Q: Yusuf Garad]

    April 22, 2019Updated:April 22, 20193 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay.

    Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta.
    Waa mowduuca sidii xal looga xoroobi lahaa qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba.
    Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan.

    Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii.
    Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed.

    Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?”
    Wuxuu ku datay “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?”

    Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas?
    Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal, waa Culimmadee, ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab.

    Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo.

    Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhammaadeen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. 

    Waxay ila tahay hadalkani uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in weerarkaas hordhaca ama Jawaabtu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada.

    Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab.

    Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed.

    Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo.

    W/Q: Yusuf Garad
    Farmajo Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiin & Xildhibaano ka horjeeda Madaxweyne Farmajo oo Shir uga furmay Nairobi (Sawirro)
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir degdeg ah oo looga hadlayo Xaaladda Suudaan.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo