Qado sharaf boqolaal dad ah ka qeyb galeen ayaa maanta magaalada Nairobi ka dhacday, iyadoo lagu maamuusay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo dhowaan dowladda Itoobiya ay sii deysay.
Kulanka Qadada waxaa si weyn uga soo qeyb galay xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay ka dhex muuqdeen xubnaha ku kacsan dowladda Soomaaliya sida Maxamed Cumar Carte, C/wahab Ugaas, C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa kaloo kulanka qeyb galay siyaasiyiinta Kenya sida Faarax Macalin, Yuusuf Xasan Ibraahim, odyaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada