Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»K/Galbeed»Siyaasiyiin & Waxgarad ugu baaqay Shariif Xasan inuu isku casilo muddo 7 maalmood ah [Akhriso Bayaanka]

    Siyaasiyiin & Waxgarad ugu baaqay Shariif Xasan inuu isku casilo muddo 7 maalmood ah [Akhriso Bayaanka]

    February 3, 20175 Mins Read K/Galbeed
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxgarada iyo siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu muddo 7 maalmood ah xilka uga dego, iskuna casilo.

    Shirkan oo ay soo abaabuleen siyaasiyiin ku kacsan Shariifka oo qaarkood xildhibaanimo ka soo waayeen magaalada Baydhaba ayaa si weyn looga qeyb galay, waxaana laga soo saaray Bayaan kulul oo lagu eedeeyay Shariifka waxqabad la’aan.

    HOOS KA AKHRISO BAYAANKA


    Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya

    03/02/2017

    BAYAAN

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 03dii Febraayo 2017ka, waxaa bayaan wadajir ah soo wada saaray Wasiirada, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Bayaankan oo nuxurkiisu yahay soo bandhigida dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee uu geystay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaas oo kala ah:

    1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo mas’uuliyaddiisa aheyd u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku mashquulay doorashada Madaxda sare ee federaalka ee ka socota caasimada dalka, halkaas oo uu ka raadinayo dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah, isagoo doonaya inuu baabi’iyo doorkii siyaasadeed ee Xildhibaanada Federaalka laga soo doortay Gobollada K/Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka in ka badan USD 1000,000/ hal milyan oo doolar, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaar, gaajo, cuduro iyo colaad iyagoo iyadoo maalinkasta ay dhimanayaan tiro dad ah, xoolahoodiina baqtinayaan ayna heysato Biyo iyo baad la’aan, wuxuuna lacagtaas ku bixiyay si loo doorto mudane aan u dhalan Gobollada uu mas’uuliyadiisa saaran tahay, isagoo mudnaantiisa tahay inuu door ku yeesho dowladda dhexe iskana indha tiraya maamulka uu madaxda ka yahay.

    2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu deegaanadooda ka soo kaxeeyay oo Muqdisho keenay qaar kamid ah odoyaashii dhaqanka kana mid ahaa 135ta, kuwaasoo ahaa biro mageydadii gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya si uu ugu fushado dano isaga u gaar ah, wuxuu deegaan ahaan u dejiyay goob aan amaankeeda la isku hallayn karin, qaraxii halkaa ka dhacay waxaa ku naf waayay Malaaq yada kala ah:

    1. Malaaq Malabow,

    2. Malaaq Cabdirashiid,

    halka Malaaq Xasan Buule laga qaaday goobta isagoo dhaawac halis ah kuna geeriyooday Isbitaalka, ( Ilaah ha u naxariisto) waxaa kaloo goobta qaraxa ka dhacay laga qaaday malaaq Yuusuf Cabdiyow iyo Malaaq Cabdiyow Cali oo dhaawac ah, ilaahay caafimaad ha siiyee, haddaba waxaa is weydiin leh sababta odayaasha dhaqanka ee K/Galbeedna loo galiyay arrimo siyaasadeed oo aysan door ku lahayn, kana baxsan midka dhaqanka, halka odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay joogaan deegaanadii ay odoyaasha u ahaayeen.

    3. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu mar walba Ku xadgudbaa sharuucda iyo qawaaniinta u degsan maamulka, waxaa ugu danbaysay ka dib markii kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed xeray iyadoo aysan fadhinin kooram (Guntan), isagoo uga dan leh inaan lala xisaabtamin, Furista iyo Xerista Kalfadhiyada Baarlamaanka maamulka wuxuu ku ansaxaa Guntan ama kooram, sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha.

    4. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqay maamulka K/Galbeed , halka loo ogolaaday Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa: a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada. b. Dhisiddii hay’adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka. C. Xisaab celin la’aanta wixii horey loogu deeqay.

    5. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka ee loogu tala galay sugida amniga deegaannada iyo gobollada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa’ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka, laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.

    6. Madaxweynaha wuxuu Gobolka Sh/Hoose ka qaataa canshuur aad u badan, taasoo aan waxba loogu qaban Bulshada K/Galbeed, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu ka war haya isbaarooyinka yaalla waddooyinka halbowlaha u ah gobolka shabeelaha hoose, isu socodka dhulka Maamulka K/Galbeed, isbaarooyinkaas oo lacago baad ah looga qaado shacabka iyagoo kala kulma dhibaatooyin aad u badan.

    7. Madaxweynaha Koofur Galbeed in ka badan boqolkiiba sideedan 80% waa uu ka maqan yahay xarunta Maamulka, wuxuu xarun KMG ah ka dhigtay caasimada Muqdisho, isagoo hore u soo wata dhamaan shaqaalaha madaxtooyada K/Galbeed, wuxuu kaloo waqtigiisa ku dhameeyaa safaro dalka dibaddiisa ah kuwaasoo aan aheyn safaro shaqo oo aanay wax faa’iido ah ugu jirin Shacabka iyo Maamulka K/Galbeed, inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.

    Gunaanad Kadib markaan aragnay xasuuqii loogeystay Odoyaashii dhaqanka ee K/Galbeed iyo warbixintii hordhaca ahaa ee soo gudbiyeen guddiga loo xilsaaray baarista arintaas, Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas’uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa.

    Kadib markay caddaatey daah furnaan la’aanta maamulka K/Galbeed ayay hay’adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka. Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay’adaha Sharcidajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah.

    Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah. hadaan nahay Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka wadatashiga kasoo qeyb gashay waxaa u soo jeedineynaa inuu iska casilo xilka uu hayo Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya mudo (7) todoba cisho gudahooda.

     

    Wadani.com

    Doorashada Koonfur Galbeed Shariif Xasan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Musharax C/raxmaan Faroole oo digniin kasoo saaray faragelinta doorashada
    Next Article Cumar C/rashiid oo safar degdeg caawa ku gaaray magaalada Nairobi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo