Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi Garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qaadacay heshiiska Doorashada ee la filayo in Berri lagu saxiixay xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo saareen ayey ku caddeeyeen inaan Guddoomiyaha Aqalka Sare laga qeyb gelin shirkii ugu danbeeyay wax talo ahna aysan ku lahayn, qeybna ka ahayn go’aanada lagu gaaray Shirka wadatashiga Arrimaha doorashada dalka.
Waxay kaloo shaaciyeen inay go’aan ka qaadan doonaan, dibna kasoo sheegi doonaan mowqifkooda oo shacabka Soomaaliyeed u so bandhigi doonaan.
Wararka ayaa sheegaya inuu guddoomiye Cabdi Xaashi cadaadis kala kulmay Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntlnad iyo Jubbaland oo ku tirtirsiiyey inuu tanaasulo, isla markaana soo magacaabo kala bar Guddiga maamulka Doorashada xildhibaannada Waqooyi iyo xubin ka mida Guddiga Heer Federaal ee Doorashada.
Siyaasiyiinta la safan Cabdi Xaashi ayaa si weyn u diiday, ugana hor yimid arrintan, waxaana xaalada sii cakiray iyadoo inta badan xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ay ka horjeedaan Cabdi Xaashi.

