Siyaasiyiinta xildhibaanada ah iyo wasiirada ka soo jeeda beelaha Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen Doorashada 2016.
Xubnahan iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland iyo waxgaradka oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay inaysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya midna.
Kulanka oo ay ku sugnaayeen wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiin kale oo soo jeeda maamulka Somaliland waxay shardi ka dhigeen in hadii aysan helin xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya inysan ka qeyb gali doonin doorashada Soomaaliya.
DHAGEYSO
Wadani.com