Wakiilo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dood adag ku dhex martay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, kadib markii maxkamadda u yeertay labada dhinac, taasoo ka dambeysay markii Kenya ay codsi cusub oo dib u dhigis ah u gudbisay Maxkamadda.
Dowladda Kenya ayaa dalabkii labaad gaarsiiyey Maxkamadda ICJ iyadoo dooneysa inay muddo hal sano ah dib ugu dhigto dhageysiga Dacwadda Badda ilaa bisha September 2020 oo ah muddo sanad ah oo kale, waxaana maxkamadda u yeertay labada dowladood, waxaana dowladda Somalia ay xarunta maxkamadda ee Hague u dirtay ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan qareeno, xeer ilaaliyaha iyo safiirka Midowga Yurub.
Dowladda Kenya ayaa waxaa kulanka ka dhacay maxkamadda ICJ u metalayey Sharci-yaqaanka guud ee dalkaasi Kennedy Ogeto, waxayna Soomaaliya ku gacan seyrtay codsiga cusub ee ka yimid dowladda Kenya, wxayna ku adkeysatay in dhagaysiga Dacwadda uu dhaco sidii loogu taloglay 4-ta bisha Noofembar ee soo socota.
Labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda horteedaisku mari waayey inay isku waafaqaan muddo kale oo dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda,, taasi oo keentay inay maxkamaddu soo dhex gasho u sheegto labada dawladood inay iyadu gaari doonto, ayna ka War sugaan go’aankeeda ayna aqbalaan.
Waa codsigii labaad ee Kenya ku dooneyso in muddo sanad ah dib oo dhigo dacwadda iyadoo dadaal ugu jirta in lagu soo beego kiiskan doorashada Soomalaiya oo ay rajo ka qabto inay hesho siyaasiyiin ay waanwaan la geli karto.
Dhagaysiga dacwaddan ayey qorsheysneyd inay dhacdo 9-13 kii bisha Sebtember 2019, waxaase dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.