Ehelada dhalinyaro lagu qabqabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood ayaa ka hadlay falal ay ciidamada maamulka Somaliland ku qabteen dhalinyaro kadibna ay ugu gacan geliyeen ciidamada sirdoonka Itoobiya oo kadibna la geeyay xabsi ku yaala magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.
Muuse Sheekh Cumar oo ka mida dadka ehelka u ah laba wiil oo ka mida dhalinyarada Somaliland ua gacan gelisay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen dad rayid ah oo caadi ah oo ciidamada Somaliland u gacan geliyeen dowladda Itoobiya, iyagoo ku eedeynaya inay xiriir la leeyihiin ONLF iyo Suldaan Wabar oo ah hogaamiye ku kacsan Somaliland.
Labada wiil ee Somaliland u gacan gelisay Itoobiya waxay magacyadooda kala yihiin: Axmed Sheekh Cumar iyo Keyd Maxamed Askar, sida u sheegay Muuse Sheekh waxaa wiilashan laga qabtay Hargeysa iyo Laascaanood 10-kii bishan. waxaa kaloo jirta gabar iyadana ay Somaliland u gacan gelisay ciidamada Itoobiya.
Wiilasha dhalinyarada ah ayaa kasoo jeeda Killinka Shanaad, waxayna ka mid yihiin kiisas maamulka Somaliland ku lug yeeshay oo dad Soomaaliyeed markii ay qabtaan kadib ku wareejiya sirdoonka Itoobiya ee degaanadooda ka howlgala.
Wadani.com