Cambaareyn weyn iyo baaqyo lagu dalbanayo in la sii daayo afar ka mida hobolada xiddiaga Geeska oo ciidamada Booliska Somaliland ay xabsiga dhigeen shalay kadib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho ayaa isa soo taraya iyadoo maamulka Somalilanad uu sii adkeeyay xariga afartaas fanaan.
Guddoomiyaha kooxda Xidigaha Geeska ee Hargeysa Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ayaa sheegay in Somaliland ay diiday in xabsiga lagu booqdo fannaaniinta xiran, loona diiday in cunto loo geeyo, wuxuuna intaas ku daray inuu si weyn uga xun tahay xaalada adag ee ay ku sugan yihiin fanaaniintasai.
Guddoomiyaha kooxda Xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, ayaa sheegay in Somaliland ay diiday in xabsiga lagu booqdo fannaaniinta xiran, loona diiday in cunto loo geeyo. Wuxuu meesha ka saaray in fanaaniintan aysan ahayn shaqaale dowladeed si xarigooda marmarsiiyo looga dhigto. “Dastuurka Somaliland melena ugma qorna in tegitaanka Muqdisho ay tahya dambi” ayuu yiri Laabsaalaax.
Siyaasiyiin, waxgarad iyo fanaaniin caan ah ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]