Fanaaniin caan ah ayaa laga joojiyay inay bandhig faneedyo ka dhigaan magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, kadib markii ay amar kasoo saartay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulkaasi.
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa y aasheegayaan Fanaanada Nasteexo Maxamuud Warsame (Indho) la joojiyay Bandhig Faneed ay dooneeysay in ay ka dhigto Magaalada Hargeeysa, waxaa kaloo jira warar sheegaya in fannaanka DJ Subeyr uu ku wehliyay bandhiggaasi.
Ciidamada booliska Somaliland ayaa tegay Hotelkii Nasteexo Indho dooneeysay in Bandhig Faneedka ku qabato oo amray in Bandhigaasi la joojiyay.
Waxaa la filayay in bandhigga uu ka dhaco Hotelka Crown ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan Booliska Somaliand oo gebi ahaanba diiday in la galo Hotelka.
Fanaaniinta Nasteexo Maxamuud Warsame (Nasteexo Indho), iyo Al-fanaan Dj Subeer ayaa la sheegay inay weli ku suganyihiin Magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado inay ka tagaan magaaladaasi.
Lama oga sababta loo cuskaday go’aankan iyadoo hore magaalada Hargeysa ay bandhig faneedyo ugu qabsadeen kooxo qaarkood ajanbi yihiin.
Muran noocan oo kale ah ayaa ka dhashay magaalada Garowe oo ay Nasteexo Indho bandhig faneed ka dhigtay dhowaan, waxaana si adag uga hor yimid culimada magaaladaasi.
Wadani.com