Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray Nin u dhashay dalka Jabuuti oo caan ku ah inuu baraha bulshada u dhaliilo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Ninkan oo lagu magacaabo Aare Saleebaan Cowleed Aare ayaa Booliska Degmada Gebiley xabsiga dhigeen, waxaana wararku sheegayaan in xarigiisa uu la xiriiro dhaliisha uu u jeediyo Madaxweynaha Jabuuti.
Waxaa laga cabsi qabaa in maamulka Somaliland uu nnkan u gacan geliyo dowladda Jabuuti, iyadoo qaar ka mida hay’adaha u dooda xuquuqda insaanka Somaliland ay ka digeen arrintan.
Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaraysay xariga loo gaystay Aare Saleebaan Cowleed, waxayna ka digyay inay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay sanadkii 2014, kaasoo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay Jabuuti, iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xiran.
Maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ayaa cadaadis weyn ku haya weriyeyaasha iyo dadka caadiga ah ee dhaliila madaxweynaha maamulkaasi, waxaana weli u xiran saddex weriye oo loo heysto tebinta dhacdo ka dhacday xabsiga weyn ee Hargeysa.