Maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka masaafurisay 11 xubnood oo ka socday Jaamacadaha ka dhisan magaalada Muqdisho Ioo shir uga qeyb geli lahaa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Jaamacadaha Carabta ayaa ahaa mid cilmi oo looga hadlayay iskaashiga Jaamcadaha iyo tayeynta waxbarashada, isagoo ahaa kii labaad ee lagu qabto Somaliland, laakiin waxaa amar bixiyay wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane, kaasoo keenay in shirkii la joojiyo, isla markaana laga saaro xubnihii ka socday Jaamacadaha Muqdisho.
Wasiirka reer Somaliland ayaa ku dooday in dowladda Farmaajo madaxda ka yahay ay bilowday daandaansi iyo colaad hor leh. “Sanadkana markii labad ee la qabanayay ayay ahayd oo jaamacada Burco ayaa lagu qabanayay, hase ahaatee nimankii intan dawladda Farmaajo timid dardar iyo cadaawad hor leh ayay la timid, magaca Soomaalidu wuu inaga dhexeeyaa laakiin isma haysano ismana matalno.” ayuu ku dooday wasiirka.
“Farmaajo xaasidnimo dheeraad ah ayuu la yimid, sidaas ayaa markaas lagu joojinayaa, waanu dhoofinaynaa. Waa 11 ka socday jaamacadaha, kuweenana waa loo wadayaa seminaarka. Arab Association haddii ay doonayaan ha ugu tagaan Muqdisho.” ayuu yiri wasiirka waxbrashada Somaliland oo u warramay TV-da SAAB.
Madaxa xiriirka Dadweynaha ee Jaamacadda Burco Axmed Muuse Ismaaciil ayaa sheegay inay la yaabeen talaabadan xukuumadda, jaamacadahaasina aanay ku jirin siyaasad, waxa laga hadlayna ay keliya ahaayeen tayada waxbarashada oo ay ogolaasho ka heysteen wasaaradda.
Guddoomiyaha Feysal Cali Waraabe, ayaa isna xukuumadda Somaliland ku cambaareeyay talaabadan ay qaaday, waxaanu guddoomiyuhu ka tacsiyeeyay shirkaas masuuliyiin ka tirsanaa jaamacadaha dalka Somaliya oo shirka inay ka qaybgalaan laga hori istaagay.