Wararka laga helayo Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu xiray Magaaladaasi xilli uu si dhuumasho ah ku tegay degaankaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee maamulka Somaliland Maxamuud Cali Saleeban Ramaax ayaa sheegay in xildhibaankan ay gacanta ku dhigeen, iyadoo uu intaas ku daray in dhowaan maxkamad la soo taagi doono.
Xildhibaanka ay Somaliland sheegatay inuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay magaciisa ku sheegtay Axmed Xuseen, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin xaaladiisa iyo sida uu degaankaasi ku gaaray iyadoo la og yahay in Somaliland ka horjeedo in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay degaanadeeda tagaan.
Ma jirto cid xaqiijiyay arrintan oo ka baxsan Somaliland, waxaana laga war sugayaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]