Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa is weydaarsaday Maxaabiis gaareysa 8 iyo Labo -gaari oo oo muddo bilo ah ay kala heysteen.
Maxaabiista iyo baabuurta ayaa lagu kala haystay Magaalaooyinka Garoweiyo Burco, taasoo ka dambeysay markii laba reer oo degaanadaasi kasoo jeeda ay xurguf dhex martay.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay inay arrin wanaagsan tahay kala wareejinta Maxaabiista iyo Baabuurtoodii. Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Cabdi Qabyo ayaa isna sheegay in talaabadan dadka shacabka ah ee lagu kala Afduubay Magalooyinka Burco iyo Garowe ay dhibaato dhinaca isu socodka Gaadiidka Rakaabka ee Soomaliland iyo Puntland ay keentay blse hadda wixii ka danbeeyay laga gudbi doono.