Shir sanadeedka 7-aad ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Al Bustan Palace Hotel ee magaalada Masqat ee dalka Cumaan.
Shirkan waxaa Somaaliya uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Ibraahin Iidle Saleebaan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Sheekh Saalax Sheekh Ibraahin, waxaana goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan.
Shirkan oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii sidoo dhowr arrimood oo quseeya dhanka garsoorka xal looga gaari lahaa iyadoo ay arrimahaasna ka mid yihiin xal loo helo xalinta qilaafaadka kaasoo gudiyo garsoor loo saarayo, iyo in dowlaha qaar laga dhagaysto sida ay waayo aragnimo ugu leeyihiin.
Sidoo kale waxaa laga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dib u dhaca ku yimaada dhagaysiga dacwadaha iyo in ay dhanka garsoorka u sinaadaan Shariif iyo sulaxooda, iyo in dacwada si deg deg ah loo dhameeyo oo go’aan cadaalad ah looga soo saaro.
SAWIRRO