Dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague u gudbisay jawaabta dacwadii muranka Xuduudka Badda ee kala dhaxeysa Kenya.
Ergo uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan gudaha Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, ayaa gudbiyay jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Axmed Cali Daahir iyo qareenada la socda oo ay ka mid yihiin Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi ayaa la filayaa inay la hadlaan Warbaahinta, si ay faahfaahin uga bixiyaan Jawaabta Gal dacwadeedka ay gudbiyeen.
Galka Dacwadeedkan ayaa waxaa lagu balansanaa in Ergadan mataleysa Soomaaliya ay Maxkamadda ku wareejiyaan maanta oo ay ku beegantahay Taariikhda 18/06/2018 saacadu Bariga Afrika markey aheyd 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.