24- saacadood kadib ma jiro wax jawaab ah ama xaqiijin ah oo ka soo baxay dowladda Kenya kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya si iskeed ah u shaacisay xiriir telefoon oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Warka Madaxtooyada Soomaaliya shaacisay ayaa su’aalo badan dhaliyey iyadoo uu yimid xilli xiisad culus u dhaxeysay labada dal iyo saacado ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeysay inay ku xadgdubtay madax bannaanideeda ay ciidamada dowladda Soomaaliya galeen gudaha Kenya 2-dii bishan Maarso.
Madaxtooyada Soomaaliya ma sheegin xilliga uu dhacay telefoonka ay ku wadahadleen, sababta keentay iyo cidda labada madaxweyne Telefoonka diray iyo midka loo diray, sidoo kalena laguma caddeyn faahfaahin ka badan inay labada dhinac isla garteen ka wada shaqeynta Amniga xuduudka labada dal.
Taageerayaasha dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii danbe baraha bulshada ka waday kacdoon Wadaniyad lagu sheegay oo looga horjeedo Kenya, laakiin waxay mar qura arkeen iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu xiriir toos ah la sameeyay dhiggiisa Kenya.
Qaar ka mida warbaahinta Kenya ayaa qoray in Madaxweynaha Soomaaliya uu isagu telefoonka u diray Madaxweynaha Kenya, waxayna intaas ku dareen in arrintan u badan tahay inay ka timid markii uu Mareykanku soo farageliyey xaaladda labada dal oo cadaadis ku saaray madaxweyne Farmaajo inuu xaaladda qaboojiyo, laakiin ma jiro wax war ah oo dhinaca Dowladda Kenya kasoo baxay, taasoo xaaladda ka dhigtay mid hal dhinac ka socota.
Dhinaca kale Milateriga Kenya ayaa sii wada taageerada ay siineyso ciidamada Jubbaland, iyadoo magaalada Mandhera uu ka socdo abaabul ciidamada Jubbaland, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu ka dhaco magaalada xuduudka ku taalla ee Beledxaawo.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane; Uhuru Kenyatta ay khadka Talefoonka ku wada hadleen, iyagoo isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada Dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabad-galyada xudduudaha iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada Dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.